Categories
Uncategorized

Haweenka Soomaalidu Uma Baahan In Xinna-marinta la Baro, Balse waxay u Baahan Yihiin Kacdoon Siyaasiya.

Fadumo Yasin

Baryahan danbe, waxa aad u soo badanaya boodhadh waaweyn oo wadooyinka halbawlaha ah ku yaala. Kuwaas oo oo bixinaya firriimo muujinaya muhiimadda ay leedahay awood-siinta dumarku.

Waxa lagu baahinayaa qaar badan oo ka mid ah fursado xirfadeed, iyo in la siiyo lacag yar oo kooban oo faro-guudkooda ah. Xitaa waxaan arkay, mid lagu xardhay in geedi-socodka guusha qofka haweenayda ahi uu ka bilaabmayo nashqadaynta xinnaha iyo qurxinta haweenka. Markii aan la hadlay madaxii NGO gii iska lahaa boodhkaas, oo runtii ahaa qof aanu muddo dheer aan macaariif ahayn soona wada shaqaynay, wuxuu si degdeg ah sheegay in marka dumarka la baro casharo ku saabsan is-qurxintu (make-up) ay fursad u siinayso haweenku inay “inay sharaftooda kor u qaadaan isla markaana ay awood u yeeshaan ka go’aan gaadhida masiirkooda qofnimo.”

Arragtida ka danbaysa dhammaan farriimahaas oo dhan waa mid isku mid ah: Awood-siinta dumarku waa xaalad dhaqaale, oo gabi ahaanba ka baxsan siyaasadda. Sidaa darted, macnaheedu waxay tahay, xaaladdani waa mid ay xallin karayaan deeqaha yaryar ee ay bixinayaan haayadda dalka ka hawlgala, tusaale ahaan, NRC, DRC, UNFPA iwm, ee bixiya qalabka la isku qurxiyo, isla markaana dumarka siiya casharo la xidhiidha is-qurxinta, taasaa oo haweenkii iska daaye inay awood-siisee, kama sii qaadaysa hankoodii inay meeqaan ay gaadhaan.

Uma taagna awood-siintu dumarku inay helaan in laga caawiyo ganacsiyo yaryar oo loo abuuro. Inta aanay NGO-yaddu macnaha kale u samayn awood-sinta, waxa loo fahansanaa inay macnaheedu ka dhigan yahay “Kor u qaadidda aayo-ka-tashiga haweenka”, iyo in meesha laga saaro “caaddooyinka xunxun ee lidiga ku ah dhedigga”, iyo in sidoo kale, in laga shaqeeya “abaabulkooda siyaasadeed.”

Sannadahii ugu danbeeyay, inkastoo ay “awood-siintu” ay ahayd waxay markastaba carrabka ku hayaan dadka reer-galbeedka ah ee haayadaha ka shaqeeyaa, haddana waxay gabi ahaan ka siibeen macnaha ahayd “abaabulkii siyaasadeed” oo ahaa doorkii siyaasiga ahaa in awood-siintu xoogga saarto. Waxay ay ku soo ururtay uun, in lagu qeexo uun marka mashaariicda la qoranayo, in lagu tilmaamo mid ay tahay in lagu horumariyo waxbarashadda iyo caafimaadka haweenka, halka tii ugu muhiimsanayd ee ay ahayd, sinnaanta lamaanaha, marka ay noqoto dhinaca siyaasadda, ogaan la iskaga indha-tirayo. Taas oo halkii lagu sheegayay inay u adeegayso dumarka, inay waxyeesho mooyaane, waxba u soo kordhinayn.

Haayaddahii waxay ka soo ururtay in lacagaha yaryar ee la bixiyo, iyo haweenka la leeyahay waxa la baray is-qurxinta ee qalabka la guddoonsiiyo, ay ku sheegayaan in haween la “awood-siiyay ‘empowerment’.” Hablo qurux badan oo waxaad arkaysaa lagu soo sharaxayo hoolalka xafladdaha, oo lagu soo bandhigayo, iyadoo la leeyahay waa la horumariyay, laguna soo qorayo website-yadda iyo baraha bulshadda. Qolyaha haayaddaha ka shaqeeyaana waxaad arkaysaa iyagoo shirarka, tababaradda ku soo bandhigaya xogo iyo liisas dhaadheer, oo muujinaya “waxqabadka” loo geystay haweenka, gaar ahaan “awood-siinta” iyo guulaha laga gaadhay.

Marka qaabkan loo shaqeynayo, ee kii laga filayay inuu badbaadiyo, ee ku sii tunto, waa iyadoo lagu sii tacadiyey, intii la caawin lahaa.

Bal soo qaado, tusaale ahaa, haayadda Action Africa Help Somalia, waxay sannadkii 2017 ku bixisay adduun gaadhaya $45,668.20, hawlo ganacsi abuur oo dumarka loo fidiyay ku dhaqan magaaladda Hargeisa. Maanta waxaan aad kalsoonahay, haddii dib loo milicsado, ganacsiyaddaa la abuuray, in toban meeloodaw meelna ka ahayn lacagtii la bixiyay, waxay tarto iska daaye. Haddii ay cilmibaadhayaashu ay ku sameeyaan daraasaddo la xidhiidha sida deeqah la bixinayaa wax uga baddeli karaan xaaladdaha dhaqaale ee muddada dheer, waxaan ku kalsoonahay inay soo bixi lahayd in aad iskaga yartahay, haddiiba aanay jirinba. Dadka wax loo qabanayaana, inaggoo maskaxda ku hayna, inay bulshadda ugu yaraan kala badh ka yihiin, waxtarka laga sheekaynayaa waxa muuqata inuu male-awaal yahay.

Si loo hubiyo in aanay lacagahu ka kala go’in, waxay barteen qolyaha ka shaqeeya dhinaca horumarintu inay abuuraan lambaro madhan oo muujinaya in isbaddel guulo la gaadhay. Tusaale ahaa, haayaddaha UN tu waxay xoogga saaraan tiradda hablaha “la qoray” dugsiyadda, xitaa haddii aanay fasaladda sooba xaadirin ama aanay dugsiga hooseba dhammaysan. Qolyaha kale, ee iyagoo dhinaca ganacsiyadda haweenka qiyaasaana waxay cabir ka dhigtaan samaynta dhaqaale ee wakhtiga dhaw, iyagoo iska ilaawa, ama aan iska xil-saarin saamaynta dhaqaale ee wakhtiga fog ay yeel karto, ama sida ay uga qayb-qaadatay horumarka haweenka.

Haddii xaaladdi sidaa tahay, runta meesha taalaa waxay tahay; haddii aanay jirin isbaddel siyaasadeed oo ku yimaadda qaab-dhismeedka iyo haykal kasta oo faquuq ku haya dumarka aan meesha ka saarayn, in xaaladda haweenku ay waligeed sidaa ahaan doonto, waxbana aan laga qaban karin si kasta wax kasta oo kale loo qabto.

Waxaad jidhidhicoonaysaa, markaad aragto qof dumar ah, oo dhoola-caddaynaysa markii la siiyay waxyar oo macne lahayn, adigoo og in  xitaa dhoola-caddaynteedaas oo kaliya aanay u qalmayn. Haayadahani ay haweenkii ka dhigeen wax ay iyagu ku dulleeynayaan wax faro-guudkooda.

Annagoo ka soo shaqeeyay haayaddo badan, waxaan soo arkay haween badan oo la baray xirfaddo badan oo ka mid yihiin keeg samaynta, qurxinta iyo nashqadaynta xinnaha, dawaarka iwm, balse wali ma arag haween aan idhaahdo xirfadahaas la baray nolol buuran ayay ka sameeyeen oo horumar balaadhan ay ugu soo jiidaan naftooda iyo ta qoysaskooda. Haweenkeenu siyaasad ahaan way u bisil yihiin, balse waxay u baahan yihiin gacan-qabad dhab ah, oo laga run sheego.

Maanta waxa la joogaa wakhtigii, inta la fadhiisto, dib u eegid loogu samayn lahaa, waxay haayaddahu ka dhigteen “awood-siinta haweenka”, oo si dhib ah loogu laaban lahaa arragtideeda saxda ahayd ee ah in door iyo abaabul-siyaasadeed la siiyo, waxaanay iila muuqataa, haddii sidaas la sameeyo, in la abuuro sinnaan lamaanne oo ku dhisan isbaddel ka turjumi karto waxqabadka ay haweenku u baahan yihiin.

Waxaana loo baahan yahay in haweenka laga joojiyo, in laga dhigo sawir, markastaba u taagan inay dulmanayaan yihiin—qof kufsi ka badbaaday, haweenay ninkii kaga dhintay dagaaladda, gabadh iyadoo da’dii guurka gaadhin nin ka weyn loo guuriyey. Arragtida sidaas ahna inta meesha laga saarayo, guuli waa wali.Ugu danbayntii, waxaan filayaa inay haaydahu ka waantoobi lahaayeen inay aasaan hanka haweenka, oo aanay ka dhigin dad ku qanacsan oo kaliya, qalab yar oo is-qurxinta oo loo qaybiyo. Haweenku waxay u baahan yahiin, in doorkooda siyaasiga ah, oo haatan io mark horaba ay ku dhex jireen, la sii xoojiyo, isla markaana lagala shaqeeyo sidii taladda siyaasadeed ee dalka u hanan lahaayeen. Taas oo ka caawin doonta, in guud ahaan bilis-xaawalay ay hesho matalaad noloshooda dhaqaale iyo siyaasadeedba wax weyn ka bedesha.

Start the discussion at talk.taladoon.com